Gudoomiyaha Hay’adda Udiyaar garowga aafooyinka & Keydka Raashinka Qaranka Mudane Faysal Ali sheikh Mohamed ayaa maalinti labaad gaadhsiiyey deeq raashin ah oo loogu tallo galley dadka danyarta ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Boorama, waxa dhanka kalle deeqdaasi la gaadhsiiyey Wasaarada Caafimadka, Komishanka AIDS ka, Jeelka Weyn ee Boorama, & Dugsiga Dadka baahiyaha Gaarka ah (Special Needs). waxa dhanka kalle la gaadhsiiyey dadka danyarta ah ee ku nool Xaafada sheekh Osman & Xaafada Hayayaabe iyaga oo uga mahadceliyey sheegayna in ay deeqdaasi ay soo gaadhey waqti aad loogu baahna.

waxa qeybinta deeqdani raashinka ah kalla qeybqaatay Maamulka Gobalka Awdal & Ciidamada Amaanka.

© NADFOR
2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *